Friday 15 March 2013

KU Socota Cabdinuur | Timirtii Horaaba Dab Loo Waayay

By Abdirahman Hollywood

 Waxaa baryahan saxaafadda Soomaaliyeed siiba baraha internet(ka) iyo idaacadaha sida VOA la’isla dhex marayaa in ururka ONLF kala qayb samay kadib markii uu istaagay wadahadaladdii udhexeeyey iyaga iyo xukuumadda Ethiopia. Nin lagu magacaabo Cabdinuur Cabdullahi Faarax oo u warramay idaacadda VOA (da) ayaa sheegay in hogaankii jabhadda, golihii dhexe iyo kaadirkii ururka ay aqo’aansadeen iney aqbalaan dastuurka Ethiopia isla markaana wadahadaladii dib ufiri doonaan. Cabdinuur waxaa kale oo uu sheegtay inuu yahay kaaliyaha xoghyaha arrimaha dibadda ONLF, xubin kujira guddiga fulinta iyo golaha dhexe ee ONLF iyo waliba xubin kamid ahaa guddiga wada xaajoodka ONLF iyo Ethiopia. Hadaba maxaa kajira arrinkan iyo waliba xilalka uu sheegtay? Inta aanaa ugudbin jawaabahan marka hore.
Waa kuma Cabdinuur Cabdullahi Faarax?
 Baadhitaan iyo wareysiyo aan layeelanay xubno aqoon u leh, in mudda ahna la shaqeeyey. Cabdinuur wuxuu kamid ahaa dhalinyaraddii ONLF ee la abaabulay 1992, wuxuuna joogay aagga Godey. Wuxuu in mudda ah kujiray gudaha Ogadenia kana hawlgali jiray gobolada Qorahay iyo Nogob. Cabdinuur wuxuu kamid ahaa xubnihii jabhadda ee baxay 1994 kadib markii ay Jabhadda ONLF ku dhawaaqday halganka hubeysan. Waxaa lagu daray golaha dhexe ee ururka1997, balse laga saaray bilihii dhexe ee 1999 wakhtigaas oo uu usoo wareegay waddanka Kenya. Sanadkii 2003 bartamihiisii Cabdinuur wuxuu u wareegay waddanka South Africa, wuxuuna lashaqayn jirey Jaaliyada Ogadenya ee Koonfur Afrika (JOKA) muddaduu halkaa ku sugnaa asagoon xil ku magacaabnayn.
Laga soo bilaabo wixii ka dambeeyey wakhtigaa ilaa 2006 Cabdinuur wax hawl ah uma uusan qaban ururka iyo halganka. Wuxuu hawlaha halganka dib ugu soo noqday 2009 wuxuuna la hawlgalay Jaaliyada Afrikada Bari ee Soomaalida Ogadenia (JABSO).
Waxaa isku dhac ka yimid isaga iyo Jaaliyadda JABSO kadib markii uu yimid tuhun, waa sida ay hadalka u dhigeenee (faah-faahinta tuhunkan ma’aha mid ku haboon inaan halkan ka sheego, waa mid sheegitaankeedu ku haboon yahay jabhadda). Laga soo bilaabo 2011 waxaa la xaqiijiyey inuu ku socday baadhitaan, muddadaas oo uu ahaa xubin wararka geeska Africa u gudbiya hogaanka arrimaha dibadda. Waxaa xubinnimadiisa laga xayuubiyey inta u dhaxeysay labada shir ee wadahadalka kadib markii la ogaaday inuu xidhiidh la yeeshay xumuumadda Ethiopia.
Halkaa waxaa ka cad in xilalku uu Cabdinuur sheegtay oo dhan waxba ka jirin.
Saameynta siyaasadda Ethiopia
Haddaba qaadashada dastuurka Ethiopia ee Cabdinuur sheegtay inuu madax u yahay, saamayn intee le’eg ayey ku yeelan kartaa siyaasadda xukuumadda Ethiopia ee ku wajahan Ogadenia?
Isaga oo Cabdinuur u warramaya idaacadda VOA laanta af-Soomaaliga wuxuu sheegay inuu wax ka baddali doono qodobada soo socda.
1. Inuu abuuri doono jawi nabad galiya ah
2. Inuu joojiyo xasuuqa shacabka lagu hayo
3. In hay’adaha xaquuqul insaanka loo furo Ogadenia.
4. In hay’adaha samafalka iyo dhaqdhaqaaqa gudaha Ogadenia la ogolaado
5. In xuquuqda iyo aayaha Ethiopia nooga maqana aan soo dhacsano annaga oo isticmaaleyna qodobka aaya katashiga.
Aan idin weydiiyee ninku ma malaa’ig baa mise waxyi aanaa ogeyn baa kusoo dagay? Soomaalidu se waxay ku maah-maahdaa “Timirtii horaaba dab loo waayey” sow shalay ma’ahayn markii uu arrinkan oo kale taagnaa? Oo rag kaligood ah, hal taageero ahna heysan Ethiopia isu dhiibeen? Mise waxa ay Salaaxudiin, Ibrahim dheere iyo Cabdi Iley soo kordhin waayeen ayuu isagu soo kordhin? Jawaabtu waa maya.
Gumeysi iga tag miyuu ku tagaa?
Abdinuur waxaa u yidhi “mudda qarni ah ayaanu Ethiopia la dagaalameynay military ahaan iyo siyaasad ahaanba waanu ku guuleysan weynay, marka waxaanu diyaar unahay inaan si nabad galiyo ah inaan dastuurka Ethiopia uqaadano oon ku xaajoono”. Waxaan jeclaan lahaa inaan Cabdinuur si toos ah ula hadlo, horta muddada qarniga ah eed sheegtay adigu ma’aadan dagaalamin. Wiilal qayrkaa ah ayaa usoo naf waayey, halgankanna adiga qori isu dhiib ayuu kuugu yimid. Haddii aad daashay oo aadan awood u lahayn inaad dalka xoreyso ama aad qoriga jiilka kaa dambeya u dhiibto ceeb ma’aha inaad iska fadhiisato. Laakiin aniga ilama aha inaad daashay waayo waddada aad hadda cagta saartay dheerideeda iyo rafaadkeeda ayaan la yaabanahay. Teeda kale waxaad ogaataa dastuurka aad sheegeyso iney kuwa farabadan kaaga horeeyeen, habayn walbana ku seexdaan. Dhibaatooyinka aad kor ku sheegtayna wali kaaga horeeyaan.
Taariikhda masoo marin gumeysigu iga tag ku tagay, haddadan aan qoraalkan qorayo ururka Ginbot 7 ee qoomiyadda axmaarada ayaa ku dhawaaqay halgan hubeysan. Toddobadii sano ee lasoo dhaafay waxay wax ku raadinayeen oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen iney siyaasad iyo nabad isbaddal ku keenaan. Maanta waxay go’aan sadeen qori iney xaqooda ku raadiyaan waayo luuqada gumeysigu waa xabbad!
Gunaanad iyo Gabagabo
Waxaan usheegayaa shacabka reer Ogadenia ee dulman, in gumeysiga Ethiopia hadh iyo habaynba ku jiro sidii uu ha’kad ugalin lahaa halgankooda. Isaga oo adeegsanaya siyaabo iyo shaqsiyaad kala duwan. Cabdinuura uguma horeyn ugumana dambeyn doono cid gumeysi isu dhiibta ee waa wax waligii soojireen ah halganada aduunka oo dhana ay kasiman yihiin. Balse adkeysi, sabir iyo dulqaad ayaa xorriyad lagu gaadhaa.
Wabillaahi Towfiiq!

No comments:

Post a Comment