Friday 15 March 2013

Miyey ku quusqaadan madaxay ka qufulan yihiine.


By Abdirahman Hollywood

11/05/2011

Maalin maalmaha kamid ah, anigoo kasoo baxay shir una soo socda xaafadeyda, ayaan soo galay freeway (ama Highway) ka mid ah kuwa magaalada San Diego. Markii aan soo galay freeway(ga) daqiiqado yar kadib ayaa waxaan xasuustay alaabo yar yar oon rabay inaan reerka usii gado. Waxaan isla markiiba ka baxay exit(ka) ugu soo horeeyey, qadar yar kadibna imid dukaankii aan alaabta ka rabay, waxaan si dag-dag ah usoo qaatay alaabtii soona abbaaray safkii maqalha’yaha (Cashier) oo aan dad badani kujirin.

Waxaa safka markiiba ila soo galay sadex wiil oo aan bar aqaanay, qaar aan school isla dhiganay iyo qaar aan kubad isla ciyaari jirney, balse in mudda ah aannaa is’arag. Wiilashan ayaa mid wuxuu ahaa Oromo, midna Amxaar, midka kalena Tigre (sida aan kol dambe ogaaday). Salaan iyo wareysi dheer kadib waxaan soo gaadhnay maqalha’yihii oo ahayd gabadh madow ah oo mareykan ah. Salaan kadib ayey waxay na weydiisay maadaamooy u arkeysey inaan wada socono“Are you guys Somali?”ma Soomaalibaad tihiin? weydiinta su’aashaa oo aan odhan karo waxay ka cabiraneysay xaafaddan oo Soomaali u badneyd.

Maadaama aan anigu iyaga maqalha’yaha oga dhawaa isla markaana alaabteyda ey xisaabineysay waxaan u arkayey bixinta jawaabta iney aniga igu habooneyd. Balse inta aanan jawaabta bixinin, ayaa sadexdii wiil halmar si wada jir ah udhaheen “No! he is Somali but we are Ethiopians!”Maya! Isagu waa Somali laakinse annagu waxaan nahay Itoobiyaan!

Akhristoow waxaa laga yaabaa inaad su’aalo ama fikrado farabadan niyadda ku heysaan ama isweydiineysaan, tolow qoraagu jawaab ma bixiyey? Hadduu bixiyeyse jawaab noocee ah ayuu bixiyey? Haddaanse idinka dib idiin weydiiyo, maxaad sameyn lahaydeen haddaad booskeyga ku jirtaan oo arrintaasi idin qabsato?

Waxaa xaqiiqo ah in bini’aadamku uusan iskusi ufakarin, wakhtiyada noocan oo kalena iskusi wax u cabirin waayo Ilaahay subxaanahu watacaalaa ayaa sidaa inoo abuurey. Aniga shaqsi ahaan waxaa niyadeyda kusoo dhacay waxyaabo farabadan. Sida inaan la doodo ama weydiiyo“Miyeydaan u arag dadka Soomaalida iney Ethiopian noqon karaan?”ama“Sababta ey sadexdoodu Ethiopian isugu arkaan anna eysan iigu arkin?”iyo“Sidee Ethiopian lagu noqdaa?”iyo waliba su'aalo kaloo farabadan.

Balse wax lama filaan ah ayaa maalinkaa igu dhacay oo aana markaa fileynin, mar qudh ah ayaa waxaan ku dhuftay qosol. Qosolkan ma’ahayn mid aan iska keenay ama aan ugu qasdayey wiilasha jawaabtooda, balse wuxuu ahaa mid dar ilaahay ah. Waayo (in the midst of all that) waxaan xasuustay ama niyadeyda kusoo dhacay oo qosolkaa sabab u ahaa kuwo aan qaraabo nahay oo hadh iyo habeen ku dooda Ethiopianbaan nahay. Waxaan niyadeyda ka idhi allow maxay hebel iyo hebel caawa kuula socon waayeen, koley kuma eysan quusqaateenee (ileen waa dad quful madaxa loogaga xidhay dabadeed furihiina Tigreegu kala hadhay) bal iney ciil naftu uga dhacdo.

(You see in the eyes of an Ethiopian) Itoobiyaanku wuxuu u’arkaa Ethiopiannimada wax loo dhasho ee uma arko wax lanoqdo, innaguna (Somalida Ogadenia) uma eynaa dhalanin ilaahay SW ayaa Somali inaga dhigay. Waliba waxaan odhan karaa waligeen ma’eynaa noqon Itoobiyaan waayo cid afti lagu ogaadoo arrinkaa inaga qaaday majirto (a referendum to decide who we are or want to become). Fiiri maqaal aan horey uga qoray arrinta Itoobiyannimada 

(So whether you like it or not, whether you ignore or be in denial; one of these days the fact that you are not Ethiopian will hit you hard in the face, but I just hope it is sooner than later so you might salvage what is left of you.) Ama jeclow ama ha jeclaan, ama diid ama ha diidin, ama iska indha tir maalintaadu wey soo socotaa aad sandule ku ogaan inaadan Itobiyaan ahayn. Laakiin waxaad ilaahay SW ka baridaa inuu maalintaa kuusoo dadajiyo si aad shacabkaaga wax ula qabsato taariikh suubanna uga tagto.

Wabilaahi Towfiiq!

No comments:

Post a Comment