Thursday 30 May 2013

Maxaan Ku Taageeray ONLF by Rooble Mohamed

30 May 2013 

Qofka banii aadamka ah markuu cabiro Fikirkiisa Maskaxiyan, waxaa usoo baxaya Fikrad Toolmoon oo ku cabiran Mabda' Qeexan oo saliim ah. Waxaan Arkay Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia, oo Naftooda qaaliga ah uhuray Difaaca Dalka Hooyo & Soo celinta Sharafta Umaddeena La dulmay, iyagoon habayarate kuqadanin wax lacag ah una huray naftooda dadka ogadenia(Volunteer) ufiirso walaalka muslimka ahoow maha si uu isagu uhelo nolol, waayo waa ka shihiidayaa isagu barri. 

Waxaan Arkay Masuuliyiinya JWXO ee Maamulaysa Hormuudka Halganka Dhinacyadiisa Kala duwan, una maamulaya Si cadaalad, Karti, Khibrad & Isu hogaansan ay ku dheehantahay kala danbayn. Markaad u fiirsato waxaad meel fog ka arkaysaa, Dawladii Ogadenia maamuli lahayd oo Si hufan diyaar ugu ah Hanashada Dhulkooda uu Guumaysigu Gawriiro. Waxaan Arkay Dastuur cadaalad, kala danbayn ay ku dheehanyihiin Mabda'a Qurxoon ee ay keentay JWXO. Waxaan Arkay Mabda' qeexaya In umadda Ogadenia dagta oo dhan hesho nolol siman oo Dhamaantood noqdaan Ul & Diirkeed (United). Waxaan arkay Cabirka qeexan ee ah Inaan ka xorowno Ethiopia Shacabka Ogadenia laga qaado Afti ay kudiidaan Ama kuyeelaan kamid noqoshada Abyssinia Walaalkayoow ma fikir kaas ka qurxoon baad aragtay? Jawabtu wa adiga.

Waxaan Arkay in ONLF rabin xilal ay kudoontaan raali galinta naftooda & reerkooda, midaas oy kuu cadaynayso Wada hadalkiii Hakadka galay, oy madaxda JWXO ku diiday Qaadashada Dastuurka Ethiopia ee ku tuntay, duudsiyay xaqii umadda Ogadenia iyadoo dastuurku uusan ilaalinin qawanintii loo dajiyay balse xasuuqay shacabwaynaha Ogadenia.

Maalinkaas oon anigoon gabyaa ahayn si hufan qalbigana kasoo go'day ganjeeladana ufuray Gaax igu raagtay tiriyayna geeraarkan waxana idhi.

Masuuliyiinta JWXE
Maamulaysa Shacabkiyo
Ciidankaa Mintidayee
Mooraalkaa siiyoow
Idinkaaa mudnanta leh

Masuliyinta JWXEE
Halgankii Mudada dheer
Marba mel kadhici jiray
Majaraha uyeelooow
Idinkaa mudnaanta leh

Masuuliyiinta JWXEE
Mabda'oodu uu yahay
Midnimada Dadkoodiyo
Macaanka Xoriyadooow
Idinkaa mudnaanta leh.

Waxaan arkay Halgan lasoo maro ki ugu dheeraa oo ah kan JWXO hormuudka utahay. Oo ay si loo wada dhanyahay heerkaas usoo gaadhsiiyeen Shacabka ogadenia oo dhan. Waxaan ku tilmaamay halgan loowada dhanyahay dhinacwalba hanoqotee.

Waxaan hubaa in maanta Ogadenia aysan umaqnayn Rajo aan ahayn Alle SW & Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia. Waxaan hubaa hadii uusan jirin Wiilka naftii huraha ah ee gaadhka kahaya dhulka hooyo, una diiday cadawga shisheeyaha inay si dhibyar kulasoo baxaan khayraadka Daniiciga ah ee Ogadenia. Waxaan meel fog ku cabiray in Dhulka ogadenia lagu beeri lahaa dad kale oynaan ahayn isku dhaqan & Diin midnaba hadii aysan JWXO qori uqaadin.

Waxaan arkay in JWXO rabto mawqif cad oo ah in Dhamaan Lasoo afjaro dhibaatada Ogadenia si loogu muujiyo wada hadal leh gacan sadexaad oo dhex dhexaadisa, wadan nabad ah. Midaas oo kutusinaysa bisaylka ONLF & sida ay aqoon dheeraad ah ugu leedahay cadawgeeda oo aan aaminsanahay inuusan jirin maanta caalamka dawlad ama urur Ethiopia uyaqana siday JWXO utaqaano. Xalkaas kadib in dhamaan muwaadiniinta ogadenia ee qaarkood ku rafaaday Qaxootiyada caalamka kusoo laabtaan dhulka hooyo. Waxyar hadaan kaaga ifiiyo kobtaas fikirka ay qabaan Lahaystayaasha Kilil kusheegu, waa kuwa soo qixiyay dadkeena aan waxba galabsan marabaan wax xal ah habayaraatee, waxaa ka go'an kaliya noolaanshaha naftiisa. (Calooshiisa Laciyaare) onlf waxay matashaa 6million oo shacab ah inay helaan Xorriyad. Aan kuwaydiiyee ma simanyihiin labadaasi? Jawabtu wa xagaga.

Gaba-Gabadii Qormadan waxaan kusoo af jarayaa kula dar-daarmayaa umadda Ogadenia inay garab istaagaan halganka lagu goobayo xorriyada ogadenia, waxaa hubaal ah in maanta umaddena aysan umaqnayn cid kale. Waxaana odhan lahaa Aan eego mustaqbalka dheer (Long term plane) yaysan kuhodin, beenta ku salaysan Sadexda sano & kayar ee Larabo in lagu jah wareeriyo Shacabkeena.

Dhibkii Aan usamiraa
Dheeftiisii Lahelayoo
Halgankii dhaqaqyoo
Dhidibada u aas nee

Bal aan dhawro eegana
Dhawaaqyada kasoo baxa
Dhagar Qabe wayaanaha.

Kudhimo Sharaf, Cissi, Geesinimo, Rabitaan cad & Helidda xorriyada Ogadenia.

Lasoco qaybta labaad...,

Free the occupied Ogadenia!

By Rooble Mohamed

Email Khadar6292@hotmail.com

No comments:

Post a Comment