Wednesday 6 March 2013

Beerlaxawsiga qabyaaladeed, Xeeladda cusub ee Itoobiya


Cabdi Illay .. Xarunta dhexe natus? Hebel .. Geedkan hoostiisa ayaan ku ogaa .. Qore/Cabdulaahi Xuseen.

Guud ahaan wadanka Itoobiya waxaa cadaadis ba’an ku haya kooxda lagu magacaabo TPLF, gaar ahaan dhulka Soomaalida Ogadenia kooxdaasi waxay ku haysaa guumaysi aad u qaab daran.
Kooxdaasi ka hor intii ayna xukunka Itoobiya la wareegin, mudo dheer ayay jabhadnimo ku dagaalami jireen ugu danbayntiina fursado ay heleen ayaa u saamaxday in ay kalitaliskii dhargiga xukunka kala wareegaan. Marka ay la wareegeen xukunka waxa ay ka fursan wayday in ay dajiyaan qorshe ay ku guumaysan karaan qowmiyadihii ka tirada badnaa ilaa hadana qorshihii ay wakhtigaas maleegeen ayay ku taaganyihiin inkastoo ay marba marka ka danbaysa sii casriyeeyaan.
Inkasta oo aanan halkan kusoo wada koobi karin qorshayaashii kala duwanaa ee ay adeegsanayeen, hadana waxaan jeclaystay inaan akhristayaasha lawadaago qorshayaashii ugu danbeeyay ee ay soo saareen mid kamid ah iyadoo uu qorshahaasi yahay mid ay curiyeen kadib markii ay awoodoodii oo dhan u isticmaaleen ladagaalanka dhalinyarada naftood hurayaasha ah ee ONLF, balse ay ku guuldaraysteen.
Markii ay daraasaad dheer ku sameeyeen qabiilka ogaadeen ka (ereygan waxaan u isticmaalayaa siduu ahaa fikirkooda) ayaa waxyaabihii ay heleen waxaa kamid ahaa in aanan lacag lagu gadan karin dadka halganka dhab ahaanta ugu jira, balse arintaas dood badan ayaa ka dhacay ugu danbayntiina waxaa la isla gartay sikastoo ay ahaataba in ay sii wadaan lacagtaas in la adeegsado.
Qodob kale oo ay daraasaadkaas ku ogaadeen ayaa ahaa in dhibaatada koobaad ee qabiilkaasi uu yahay nacayb ay Itoobiya lafta ka necebyihiin magaca xabashina aana lamaqashiin karin, maadaama mudo badan la soo guumaysanayay.
Waxaa kale oo kamid ahaa qodobo dhowr ah balse kii ugu muhiimsanaa ee ay ku saleeyeen qorshahoodii casriyaysnaa waxa uu noqday midkan ay ku ogaadeen inaan qabiilkaas magaca xabashi lamaqashiin karin ee loo baahanyahay xal kale. Mudo kadib ayaa waxa ay soo saareen qorshe cusub oo Cabdi ilay tababar loogu xareeyay waxa uuna ahaa sidan.
Cabdi illay waxaa loo sheegay;
1. in uusan halgankani ku joogsanayn dhowr ruux oo ladilay loona baahanyahay in dagaalkii naftood hurayaasha lagula jiray loo badalo qurbajoogta safarna loo baxo shirna loo soo qabto lacagna la adeegsado.
2. waxaa loo sheegay inuu badalo qaabkii uu u hadli jiray iyo erayadii uu isticmaali jiray waxaana loo dhiibay erayada ay kamidka yihiin;
A- qabiilkii ogaadeen wuu baaba’ay hadaynu sidan kusii socono waxaa inaga awood badnaan qabiilada kale ee yar yar waayo iyaga waxba kama dhimanayaan.
B- Itoobiya cidna uma daba fadhino oo waxaan nahay qowmiyada sadexaad xaga tirada , maanta Itoobiyaanimadu ma aha afxabashi ee adigoo afsoomaali ku hadli ayaad Itoobiyaan tahay
C- waxaynu leenahay awood ciidan oo hadii ay Itoobiya burburto inteena ayaynu goosan
D- wiilasha dagaalamaya ee qoryaha wata haday imaqli lahaayeen way I yeeli lahaayeen inay iga dhintaana marabo.
Hadaladaas la qabadsiiyay inuu ku hadaaqo marwalba waxaa looga danlahaa in Cabdi illay loo ekaysiiyo nin damiir leh oo qabiili ah, dhanka kalana in dadka lagu khaldo inay dawlad fiicani jirto mar hadiiba uu sidan u dhiiranayo ninkani, xabashidiina aysan jirin ee Tigreegu dhaamo ee loo baahanyahay in laga faa’iidaysto inta fursadani jirto.
3. Tababarka qaybtiisii kale ayaa ahayd mid ay, TPLF ku adkaatay in goobaha shirarka iyo media’ha uu Cabdi illay kaga dhawaaqo maadaama ay ka baqeen qowmiyadaha kale ee Itoobiya waxa uuna ahaa sidan:-
I. In marka hore ee safarka loo diyaar garoobayo lala hadlo dhamaan cida la isleeyahay dad ayaa dibadaha ka jooga laguna qasbo inay ehelkooda ku adkeeyaan ka soo qaybgalka shirarkaas, sidoo kalana ay gooni gooni ula kulmaan iyagoo qabiil ahaan isu uruursanaya.
II. in si private ahaana oo aana camera la ogolayn kulamadaas uu Cabdi illay uga dhex yidhaahdo, Tigreegu maanta ogaadeen ayay rabaan inuu garab galo waanad ogaydeen inuu Meles Qabridahare kula kulmay odayaasha iyo meelo kale markastana diyaar ayuu u yahay ujeedadiisuna waa inaynu gacmaha is qabsano Itoobiyana wada guumaysano.
III. Ugu danbayntii waxaa Cabdi illay loosheegay in uu shakhsiyaadka uu fursada u helo inay kulmaan uu ku yidhaahdo; war Tigreegan aad aragto anigaa ka caqli badan waxaana rabaa inaan kudan gaadho ee anigaa Itoobiya iyo waxanba kaa neceb laakiin waa inaynu horta awoodaysanaa iyaguna way inoo baahanyihiin oo haddii aynu ONLF baabi’ino awooda oo idil ayay gacanta inagasoo galinayaan iyo erayo hab qabiil ah oo beer laxawsi ah.
Tababarkaas Cabdi illay lasiiyay ayaa sida hadaladaas laga dhadhansan karo ahaa mid ay TPLF xooga ku saaraysay in ay khaldaan wixii ay fursad u helaan oo dhan dadka aysan lakulmi karina fariimahaas u mariyaan idaacadaha sida Universal tv iyo kuwa lamid ka ah.
HADDABA SIDAY WAX U DHECEEN
La Soco Q2aad.

No comments:

Post a Comment