Monday 4 March 2013

Jeel-Ogaadeen


Maxaad kala socotaa xabsiga loo yaqaano Jeel Ogaadeen – By Cabdulaahi Xuseen

Jeelka loo yaqaano Jeel Ogaadeen ee ku yaala magaalada Jigjiga dhinaceeda bari, waa jeel dhismo ahaan loogu tallo galay inuu qaado ugu badnaan ilaa 300 oo ruux, balse waxaa ku xidhan dhowr kun oo ruux oo isugu jira dhalinyaro, dad da’doodu aad u weyntahay, dumar iyo caruur ay qaarkood kuba dhasheen jeelka. Dadka ku xidhan halkaa qof ogsoon tiradooda ma jirto, xataa kuwa jeelka masuulka ka ah, ma ogsoona cadadka ugu xidhan halkaa, sababtoo ah dadka la keeno ee laga soo qabqabto miyiga iyo kuwii horey ugu jirayba qof dank a leh xadhiogooda iyo siidayntooda iyo sababta ay u xidhan yihiin ayaan jirin. Markaan aad u weydiinay dadka magaalada Jigjiga ku nool waxay ku qiyaaseen inta u dhaxaysa 5 ilaa 7 kun oo ruux. Maalmihii ugu dambeeyay ee lalahaa Cabdi iley ayaa go’aansaday inuu dadka maxasta ah ee halkaa ugu xareysan sii daynayo ayaa waxaa la’isugu keenay dad aan ka yareyn 12kun oo qof.
Dadka ku xidhan jeelkaas ayaa isugu jira dad ay ciidamada guumaysigu u soo qabsadeen dano kala duduwan oo kala ah;
1. Waxaad taageertaa ONLF.
2. Waad nala shaqayn wayday oo ay macneheedu tahay jaajuus ayaad diday inaad noqoto, ama inaad probogandayada meelahaas ka sheeg sheegto ayaad diiday.
3. Walaalahaa ama reerkiina ama qoyskaaga ayaad diiday inaad xagayaga soo mariso.
4. Marka aan ONLF dagaal lagalno ee ay naga guulaystaan waad ku faraxdaa.
5. Waxaad ka damqataa dadka aan bilaa macniga ku wax yeelaynayno iyo waxyaabo badan oo la xidhiidha.
Intaas waxaa dheer oo dadka lagu soo xidhaa;
1. Lacagihii baada ama gunada ahaa ayaad bixin wayday.
2. Gabdhaha oo guurka qasabka ah markay diidaan la xidho, ama markay kufsiga diidaan tii nasiib lehna la xidho tiikala halkaas intii lagu kufsado la dilo.
3. iyo mida ugu daran ama ugu foosha xun oo ah in ruux walba oo lasoo xidhaa kadib marka la garaaco ay wadada kaliya ee u banaan inuu isbadbaadiyo ay tahay inuu yidhaahdo garaacitaanka iga daaya dad aan aqaano inay ONLF taageeraan ama aan ogahay inay lacag bixinayaan ayaan idiin gayne sidaasna garaacitaanka lagaga joojiyo. Ka dibna intii gaadhi lasaaro lagu raadinayo cidii uu sheegay. Arintaasi ayaa ah mid jeelka looga yaqaano erayga (Ku Lug Bax) oo ah inuu ruuxu qofkii maskaxdiisa markaas ku soo dhaca uu ku hogaamiyo si ay u soo qabtaan una xidhaan isna sidii oo kale loogu garaaco ilaa oo uu isaguna qof kale oo uu ku lugbaxo ka keenayo. Arintaasi waxay noqotay in marka hal ruux la xidho uu isaguna sii xidho dhowr ruux oo kale. Waxaana dhacda in ruuxa maadaama habeenkasta la garaacayo ay dadka kale ee jeelka ku jiraa maalinka danbe sirta ah (Ku Lug Bax) siiyaan oo ay ku dhahaan waxaad dhahdaa dad kale ayaan idin tusiye iga daaya garaacitaanka.
Waxaa dhacday in maalin maalmaha ka mid ah nin laga keenay tuulo fog markii dhowr habeeen la garaacay ee uu garan waayay cid uu ku lug baxana uu yidhi misaajidka igeeya halkaasay joogaane oo intuu dhex galay dhowr ruux oo uusan xitaa garanayn uu farta ku fiiqay isagoo leh kuwan ayaa ila-shaqayn jiray si uu isu badbaadiyo darteed.
Dhibaatooyinka jeelku inkastoo ay fara badan yihiin hadana waxaa waxyaabaha aadka u xun kamida oo ay maxaabiistu ka wada siman yihiin waa jiif iyo joog la’aan maadaama meeshii loogu tallo galay hal ruux ay ku jidhaan in ka badan ilaa 7 ruux , sidoo kalana cuntadii loogu tallo galay hal ruux ay quudanayaan 7 ruux.
Cadaymaha xaqaa’iqa ah ee laga hayo jeelka ayaa tilmaamaya in raashinkii halka qof loogu tallo galay ay guumaysigu u qaybinayaan afar ruux, balse taasi waa mida warbixinta guumaysigu ay sheegaan ee dhabtu waa inay 7 ruux u qaybiyaan. Cuntada lasiiyo maxaabiistaas waa Rooti/Furun qalalan iyo shaah oo hal wakthi ah maalinkii iyo canjeerada xabashida oo aana ahayn mida ay iyagu isticmaalaan ee ah mid laga sameeyay waxa loo yaqaano deefta hadhaagiisa oo xagooda uga dhigan qashin loogu tallo galay in la daadiyo balse dadka aana waxba haysan ay iska biyo biyaystaan.
Dhibaatoooyinka xaga jidh-dilka ah (Torturing) waa mid iska cad, qaabka maxaabiista loo jidh dilo waxaa kamida, garaacitaan aad u fara badan oo ay ilaa toban ruux hal mar wada garaacayaan hal maxbuus, in barkad ay biyo qabaw ku jiraan lagu dhex rido maxbuuska kadib markuu saacado ku jirana intii lasoo bixiyo garaacitaan hor leh lagu bilaabo, intaas waxaa dheer Koronto xiniinyaha looga qabto ragga, gabdhahana naasaha lagaga qabto iyo ciqaabo aad u fara badan oo kale, sida kufsiga gabdhaha oo maalijoog ah. Waxaana jidh-dilkaas u dhintay dad aad u tiro badan oo aan la diiwaan galinin, lagana yaabo eheladooda inay u haystaan dad xidhan ama lacag looga cuno waa la soo daynayaa ee keena lacagtaa.
Kasokow,  xidhayga bilaa macniga ah, jidh dilka iyo darxumada dadkaas tabarta daran ee Jeel Ogaadeen ku jira haysta, waxaa intaa dheer iyadoo ay qof walba oo meeshaas ku xidhan qoyskiisa guno iyo baad joogto ah ka qaataan ciidamada guumaysiga iyo kuwa dalaaliinta u ah. Iyagoo u sheegaya inay soo dayn doonaan ama ay u ogolaan doonaan inay tusaan amaba inta badan u sheega inay isaga/iyada gayn doonaan meel ka baxsan goobta loo yaqaano –Caqabada- oo ah meel la isku ciqaabo oo ay gayn doonaan meesha ay u yaqaanaan –Dibada- oo ah meel inyar kayara duwan meelaha la isku ciqaabo balse jeelka dhexdiisa uun ah, waxse u ma sameeyaan maxbuuska ee lacago umbay kag gurtaan marwalba dadka eheladooda la soo xidhay.
Dadka shacabka ah ee eheladooda ay kaga xidhan yihiin Jeel Ogaadeen oo iyagu ka warhaya xaalada ka jirta jeelka ee dhinacwalba ah ayaa cunto u geeya maxaabiista maalin walba balse cuntadaasi ma gaadho ee booliska ayaa cuna maadaama aysan iyaga laftoodu haysanba wax ku filan oo ay cunaan, lacagaha saabuunta iyo waxaas loogu talo galay ee ay qoysaska maxaabiistu soo dhiibaana sidaas oo kale ayay uga dhacaan.
Qore: CabduLaahi Xuseen

2 comments: